Walaweyn (bulacle.com) – Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa si weyn uga gadooday munaasabadda balaadhan ee uu Cabdicasiis Laftagareen u qabtay si uu u xuso sanad-guuradii 6-aad ee xukunkiisa, taas oo keentay khilaaf xooggan.
Muuqaalo lagu faafiyey baraha bulshada ayaa muujinaya
ciidamadu oo codsanaya in hoggaamiyahooda uu ka jawaabo cabashooyinkooda ku
saabsan dayacaad iyo mushaar la'aan, iyagoo ka carooday munaasabadda qaaliga ah
ee Laftagareen waqtigaas ku waashay.
Ciidamada, oo badankood ku sugan degmada Walaweyn iyo
deegaano kale, ayaa xusay in hoggaamiyahoodu uu ku raaxaysanayo xaflad dhinac
kasta leh, isagoo aan ka xog-ogaal ahayn dhibaatada ay la kulmayo. Halkaas oo
qeyb ka mid ah ciidamada ay dareemayaan gaajo iyo abaaro, Laftagareenna uu
dhigayo xaflad ay ku baxeen boqolaal kun oo doolar.
Tan iyo wixii ka dambeeyay dhacdooyinkan, ciidamada
Daraawiishta Koonfur Galbeed waxay si cad u muujinayaan diidmo xooggan oo ka
dhan ah xukunka Laftagareen, iyagoo suga jawaab waqti kooban gudahood ah.
Dhibaatooyinka deegaanka oo ay ka mid yihiin amni darro iyo hoos u dhac
dhaqaale ayaa siiyay culeys dheeraad ah xisbigaan muddada dheer ku wajahaya
xukun aan sharci ahayn.
Arintaan ayaa muujineysa in ay dhibaato ku tahay
maamulka koonfur galabeed balse waxa ay u baahantahay in durbo laga hortago
inta aysan ku faafin maamulka intiisa kale.
W/Q: Amino Cabdulle
0 Comments