Mudug(bulacle.com)– Ciidamada dowladda Soomaaliya, oo kaashanaya booliska iyo shacabka deegaanka, ayaa sameeyay howlgallo waxtar leh oo ka dhacay degmada Wasil, gobolka Mudug.
Warar la helay ayaa muujinaya in ciidamada ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan laba gaari oo shidaal iyo agab kale u siday kooxda AS.
Howlgalka ayaa la sheegay in uu socday saacadihii lasoo
dhaafay, iyadoo ay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ka faa'ideysteen xog sir
ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada kooxda.
Taliyayaal ka tirsan ciidamada ayaa sheegay in la
qabtay darawallada gawaaridan, kuwaas oo hadda maraya baaritaanno dheeraad ah
si loo ogaado ujeedada dhabta ah ee sahayda ay wateen. Ciidamada ayaa weli sii
wadaan howlgalo dheeraad ah si ay u beegsadaan xubnaha AS ee degmada
Wasil iyo deegaanada ku xeeran.
Hawlgalada ka socda gobollada dhexe ayaa ah kuwo
qorshaysan si loo xoreeyo deegaannada AS ay ku haystaan, gaar ahaan
Galgaduud iyo Mudug. Ciidamada dowladda ayaa muujinaya go’aan adag oo ku
saabsan sidii looga saari lahaa kooxda AS. deegaannadaasi.
W/Q: Maxamud Cabdulle
1 Comments
Runtii waa wax lugu farxo 🫡
ReplyDelete