LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Cabudwaaq: Wada-tashi Lagu Horumarinayo Codka Haweenka iyo Nabadgelyada.!

Cabudwaaq: Wada-tashi Lagu Horumarinayo Codka Haweenka iyo Nabadgelyada.!

Cabudwaaq(bulacle.com)
— Hay’adda Horncenter - HC Dialogue  oo kaashaneysa Wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug ayaa Magaalada Caabudwaaq ku qabatay  wada-tashiga bulshada iyo golaha deegaanka, degmada Cabudwaaq, iayadoona kulan lagu falanqeynayay “Dhawrista Maamul Wanaaga iyo Kor u Qaadida Codka Haweenka.” Kulankan ayaa qeyb ka ah mashruuca HORUMAR oo ay fulineyso Hay’adda Horncenter - HC Dialogue.

 

Guddoomiye Muxudiin Adan Wali iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka, oo ay weheliyaan Madax ka socoatay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Galmudug, ayaa ka qeyb galay kulankan, kaas oo diiradda lagu saaray doorka hoggaaminta haweenka ee siyaasadda iyo nabadgelyada.

Wada-tashigaan wuxuu soo bandhigay doorka muhiimka ah ee haweenka, waxaana la is-weydaarsaday su’aalo iyo jawaabo ku saabsan sidii haweenka loogu heli lahaa taageero buuxda oo ka imaaneysa golaha deegaanka, odayaasha dhaqanka, iyo guud ahaan bulshada degmada Caabudwaaq.

 

Intii uu socday kulankan ayaa waxaa lagu qabtay dood ay  ka qeyb galeen mas'uuliyiin iyo xubno katirsanka, waxayna si wada jir ah iskugu raaceen in la xoojiyo codka haweenka si loo hormariyo nabadda iyo maamul wanaagsan.

 

Tani waa talaabo muhiim ah oo lagu suurtagelinayo isbeddelada bulshada, iyada oo lagu fiirinayo awoodaha haweenka ee hoggaaminta mustaqbalka.









W/Q: Maxamud Cabdulle

Post a Comment

0 Comments