Raaskambooni(bulacle.com)
- Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay wadaa qorshe ballaaran oo ay ku doonayso
in ay ka joojiso Axmed Madoobe, iyadoo aan qorshaynayn in ay u bareerto dagaal
toos ah. Ilaa toddobo diyaaradood oo ciidamo ka tirsan Gorgor iyo Haramcad ah
ayaa maanta lagu dejiyey Raaskambooni, halkaas oo saraakiil ka tirsan
Daraawiishta Jubbaland ay ku soo dhaweeyeen.
Taliyaha Guutada 18-aad
ee Gorgor, G/Dhexe Xasan Ciraaqi, ayaa sheegay in adeegsigooda loo qorsheeyay
in ay xoreeyaan deegaanada ay Khawaarijtu ka joogaan iyo in ay amniga kala
wareegaan Ciidanka ATMIS oo isaga baxaya Soomaliya.
Sida laga soo xigtay ilo
xog ogaal ah, DF ayaa sidoo kale qorsheyneysa in berri ciidamo kale ka dejiso
gobolka Gedo, kuwaas oo qaban doona gacan ku heynta deegaanada xorta ah iyo
kuwa ay Shabaab heystaan. Ra’iisul Wasaaraha Xamsa ayaa sidoo kale ka shaqeynaya
in ciidan Jubbaland ah la kala furfuro si looga hortago qalalaaso ka dhaca
deegaanada jubaland.
Dowladda Federaalka waxay
qorsheyneysaa in madaxweyne Axmed
Madoobe lagala soo wareegi doono dhammaan degmooyinka Jubbaland, marka laga
reebo Kismaayo. Tallaabadan ayaa la dhihi karaa waa fursadaha doorashada
mustaqbalka.
Intaas waxaa dheer, DF
ayaa qorsheyneysa in berri diyaarado waaweyn ay ku qaadaan gaadiidka dagaalka,
rasaasta, iyo sahayda ciidanka, kuwaas oo ka degi doona Gedo iyo Jubbada Hoose,
gaar ahaan Raaskambooni.
Dhanka kale, Axmed
Madoobe ayaa diray ciidan Daraawiish ah oo maanta ka baxay Buuloxaaji iyo
deegaano kale si ay uga hortagaan qorshayaasha DF, waxaana suurtogal ah in
dagaallo dhaco.
0 Comments