Muqdisho (Bulacle.com)-Reysal wasaaraha soomaaliya xamse
Cabdi Barre ayaa wali ku adkeysanaya in uu tago magaalada kismaanyo Caasimada
ku meel gaarka ah ee Jubaland xili wali uu diidanyahay Madaxweynaha Maamulka
Jubaland Axmed Madoobe.
Sida ay muujineyso xog hoose oo laga helay xafiiska reysal
wasaaraha ayaa sheegaya in reysal
wasaaraha soomaaliya uu damacsanyahay safar dhinaca badda ah u uku gaaro
magaalada kismaanyo madaama ay jubaland diideen uu ka dago garoonka diyaaradaha
magaalada kismaanyo.
Madaxtooyada jubaland
ayaa ku wargalisay shirkada diyaaradaha in aysan soo qaadi Karin cid aan ogo
laansho ka heysan maamulka jubalnd diyaaradii isku dayda in ay ka dhaga adeegto
amarka maamulka jubaland ay qaadan doonto masuuliyada wixii dhibaato halkaasi
ka yimaada.
Arintaan ayaa timaaday kadib markii uu hawada isku shareeray
khilaafka u dhexeeya dowlada dhexe soomaaliya iyo maamulka jubaland.
Lama oga sababta reysal wasaaraha soomaaliya uu u go’aansaday
in u uku safro dhinaca badda si uu u gaaro magaalada kismaanyo, balse reysal
wasaaraha ayaa deegaan ahaan ka soo jeeda magaalada kismaanyo taasna waxa ay
keeneysaa in hadii uu tagi waayo magaalada kismaanyo ay waji gabax ku tahay
muunada reysal wasaaranimo ee dalka madaama uu ka soo jeedo deegaanada jubaland.
Reysal wasaaraha soomaaliya xamse Cabdi barre ayaa deegaan
ahaan waxa uu matalaa maamulada jubalnd iyo Puntland oo labaduba khilaaf xoogan kala dhexeeyo
diowlada uu resyal wasaaraha ka yahay mana uu tagi karo labadaasi maamul arintaan
ayaa waxa ay dadbadani ka sameeyeen falcelin xoogan balse waxaa socdo dadaalo
ay wadaan masuuliyiin ka soo jeeda kenya kuwaas oo dhawaan magaalada kismaanyo
kula kulmay madaxweyne Axmed Madoobe
maantana kula kulmay reysal wasaare xamse magaalada muqdisho.
Lama oga in uu reysal wasaaraha ku safri doono dhinaca badda siu
u u gaaro magaalada kismaanyo oo wali
diidan imaanshaha reysal wasaaraha soomaaliya.
0 Comments