LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Xog ku saabsan qaabka loo xiray facekook-yada wariyaal iyo siyaasiyiin


Dhawaan ayaa waxaa hawada laga saaray facebook-yo  farabadan oo ay la haayeen Wariyaal , Siyaasiyiin iyo dad badan oo baraha bulshada caan ka ahay, arintaan ayaa inteeda badan waxaa dusha laga saaray dowlada federaalka soomaaliya balse wasaaradda warfaafinta dowlada soomaaliya ayaa beenisay warkaas isla markaana sheegtay in aysan jirin sabab ku qasbi karta dowlada in ay xirto baro gaar ah oo ay leeyihiin mawaadiniin soomaaliyeed.


‘Sida uu horayba u sheegay wasiir kuxigeenka warfaafinta soomaaliya Cabdiraxmaan yuusuf sheikh Alcadada isagoona beeniyay wararka la isla dhexmarayo waxa uuna sheegay in dowlada ka go’antahay ilaalinta xoriyada mawaaniinta iyo xoriyada hadalka taasna ay muujineyso in aysanba suurta gal ahayn in aanu ka fakarno xiritaanka akoono u gaar ah bulshada soomaaliyeed, waa jirtaa dad aanu ka xireyno baraha bulshada waana kooxaha argagixisada soomaaliya’’.


Dadka soomaaliyeed iyo waliba dadka is kale akoonada la xiray ayaa ku jah wareeray cida sida tooskaa ugu lug leh xiritaan akoomadooda facebook, iyagoona inta badan aaminsan in dowlada soomaaliya ay xirtay.

Dad waxbadan kala socda arimaha technology yada ayaa u sheegay bulacle.com  in aysan si toos ah arintaan dowlada soomaaliya aysan ugu  lug lahayn balse ay dhici karto in la adeegsaday  qaar ka mid ah hay’adaha ku lugta leh baasaboorada iyo shirkada bixiya  adeegyada visa yaasha , tikidhada iyo goobaha caafimaadka dalka, waana mida kaliya oo ay adeegsadeed qolada ka shaqeysay xiritaanka akoonadaan taas oo inta badan loo diiwaan galiyay in ay dhinteen.


Sidoo kale qubaradaan ayaa waxa ay sheegeen in loo baahanyhaya in masuuliyad gaar ah la iska saaro dhowrista xogaha mawaadiniinta soomaaliyeed maadaama ay kugu aamineen xogtooda oo ay suurta galtahay in aad heyso baasabooradooda iyo nuqulada la xariira macluumaayada mawaadiniinta gaar ahaan shirkadaha duulimaadyada iyo hay’ada socdaalka soomaliya.


Arintaan ayaa walaac xoogan ka abuurtay gudaha soomaaliya iyadoona dadka laga xiray barahooda bulshada ay ka mid yihiin madaxweynayaasha Puntland iyo jubbaland taas oo aan wali la garan sababta looga xiray.

Adiga maxay kultahay?

 

 

Post a Comment

0 Comments