LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Wasiir Alcadaala ma jirto sabab dowlada soomaaliyeed ay u xiri karto facebook yo ay leeyihiin wariyaal soomaaliyeed iyo siyaasiyiin



Dowlada Soomaaliya ayaa iska fogeysay warar sheegayay in dowlada soomaaliya ay barahooda facebook ay ka xirtay Wariyaal , siyaasiyiin iyo dad kale oo baraha bulshada wax ku soo gudbiya.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan yuusuf sheikh  Alcadaala ayaa  warfidiyeenada u sheegay in aysan waxba ka jirin wararka lagu baahiyay warbaahinta qaar ee sheegaya in dowlada soomaaliya ay xirtay facebook  yo ay la haayeen wariyaasha iyo siyaasiyiin soomaaliyeed taasna ay meel ka dhac ku tahay dowlada fedraalka soomaaliya muunad dilka qayimka dowladanimada, mana jirto sabab keeni kartay in dowladu ay xirto meel uu wariye soomaaliyeed wax ku soo gudbiyo ama siyaasiyiin soomaaliyeed ay rayigooda iyo taladooda ku gudbiyaan taas waa mid uu dastuurka siinayo in qofkasta uu xaq u leeyahay in uu helo meel uu ku baahiyo aragtidiisa suuban.

Warka wasiirka ayaa imaanaya xili todobaadkan hawada laga saaray facebook yo ay leeyihiin madaxweynayaal maamul goboleed ,wariyaal iyo Dhalinyaro baraha bulshada wax ku soo gudbiya.

Dadka laga xuray facebook waxaa ka mid ah Wariye Abdinaasir Zola  oo ah khabriir xaga technologyada balse sheegay in dowlada soomaaliya aysan ku lug ahayn arimahaan balse ay jiraan dad wax ma garo ah oo ka shaqeysay dhacdooyinkan isagoona sheegay in laga daba tagi karo lana soo ceshan karo barihii la xiray.

Lama oga sababta ka danbeysay xirataan barasha bulshada gaar ahaan facebook  yada qaar kamid ah buslahada soomaaliyeed.

 

Post a Comment

0 Comments