Mogdisho (bulacle.com) – Wararka ka imaanaya magaalada kismaanyo ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan dhaq dhaaqyo ciidan oo aad u xoogan ka dib markii Madaxweynaha maamulka jubaland uu amar ku bixiyay in heegan la galiyo dhamaan ciidamada maamulka jubalnd , madaa ay ciidamada malatariga soomaaliya lagu daad gureynayo gudaha maamulka jubaland .
Ciidamada daraawiishta
jubaland ayaa u ruuqaansaday dhankaa iyo deegaanka raas kaanbooni si ay kaga hortagaan dhaq dhaqaaqyada dowlada soomaaliya ay ka
bilaawday deegaankaas oo markii ugu
horeysay dowlada soomaaliya ay ciidamo uga dajisay diyaarado.
Sidoo kale ciidamada
daraawiishta jubaland ayaa lagu faafiyay deegnada xeebta magaalada kismaanyo
iyagoona guud ahaanba xiray wadooyinka soo gala magaalada kismaanyo mana jirto wax ciidan ah oo gudaha magaalada
kismaanyo u soo gudbi kara.
Madaxweynaha jubalnd ayaa
ayaa xalay xilka ka qaaday gudoomiyihiin gobolka Gedo ee maamulka jubaland ka
dib markii uu ku biiray aragtida dowlada soomaaliya ay ku dooneyso in lagu
joojiyo sida uu Axmed Madoobe wax u wado isagoona magacaabay gudoomiye cusub oo ay yeelanayo
gobolka gedo soomaaliya .
Ciidamadii ugu badnaa ee
dowlada soomaaliya ayaa manta ka dagaya magaalada garbahaarey ee gobpolka gedo
, taas oo xaalada ka sii dhigeysa mid aad u cakiran mana jirto dadaalo socda oo looga hortagyo xiisadahaan
dagaalka ee ka aloolsan gudaha jubaland .
0 Comments