Dhuusmareeb(
bulacle.com)- Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya
khasaaraha ka dhashay dagaal aad u culus oo saakay ka dhacay deegaano hoostaga
magaalada Dhuusamareeb caasimada dowlada Galmudug.
Inta
la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay 11 ruux oo iskugu jira maleeshiyaadkii saakay
dirirtu dhexmartay deegaanka bali-caano oo u dhexeeya magaalooyinka Ceel-garas
iyo Dhuusamareeb, Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maleeshiyaadka
dagaalamay saakay ay horay iskaga dileen dad farabadan oo u dhintay siyaabo
kala duwan una badan aanooyin qabiil
Xaaladda
ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana dhinacyada dagaalamaya ay helayaan gurmadyo,
taas oo uga sii dareysa xiisadda ka taagan halkaasi.
Dadka
deegaanka ayaa ku soo waramaya in ay adagtahay in dadkaas kala dhexgalo madaama ay Alshabaab
halkaas ka ag dhawyihiin lagana yaabo in ayba ku lug leeyihiin colaada ka
taagan deegaanka.
Wali
Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Galmudug, balse waxaa lagu soo warramayaa in
ciidamo ka tirsan maamulka ay ku baxeen dagaalkaasi, si loo qaboojiyo xiisada
kataagan halakaasi.
Colaadaan
u dhexeysa labadaan beelood ayaa ah mid soo jiitameysay sanadadii la soo
dhaafay mana muuqato wadadii ay ku joogsan lahayd madaama ay adagtahay in
deegaankaas ay gaaraan dadka indheer garadkaa ee ka soo jeeda deegaanada lagu
dagaalamayo .
Gobollada
dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay colaad beeleedyo saameyn ku
yeeshay dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaannada hoostaga gobolladaasi.
1 Comments
ALLAHA NAGA QABOOJIYO DAGAALADA
ReplyDelete