LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Wararkii ugu danbeeyay Ciidankii lageeyay raas kaanbooni iyo warar soo baxaya…..



JUBALAND (bulacle.com)
- Maamulka Jubbaland ayaa maanta xilka madaxweyne mar kale u doortay Axmed Maxamed Islaam, isagoo ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay sharci darro ku geeysay ciidamo laga soo diray Muqdisho, kuwaas oo lagu dajiyay magaalada Raas Kambooni.

 

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa lagu sheegay in ciidamadan yihiin kuwo hab beeleed u abaabulan, oo lagu doonayo in khalkhal lagu geliyo amniga Jubbaland.

 

Dhinaca kalena, dowladda Federaalka ayaa cadeeysay in ciidamadan ay ka tirsan yihiin kuwa Gorgor ee xoogga dalka, kuwaas oo la wareegaya saldhigyada ka baxaya ciidamada ATMIS. Taliyaha Guutada 18aad, Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi), ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadan ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

Sida laga soo xigtay wararka deegaanka, ciidamada dowlada ayaa la sheegay in ay qorsheynayaan in ay u ruuqaansadaan dhanka magaalada Kismaayo, si ay gacan uga geystaan Axmed Madoobe. Arintan ayaa walaac xoogan ka abuuray bulshada Jubbaland, taasoo ka cabsi qabta in xiisado dagaal ay mar kale soo baxaan, iyada oo gobolka horey u soo marta caburin ka yimid Al-Shabaab.

 

Post a Comment

0 Comments