Kismaayo (bulacle.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa si weyn u bogaadiyay dib u doorashada Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, oo maanta ka dhacday magaalada Kismaayo. Munaasabadda doorashadan ayaa dhacday iyadoo uu jiray khilaaf xooggan oo u dhexeeya maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe.
Shariif Sheekh Axmed
wuxuu doorashada ku tilmaamay mid muhiim ah oo meesha ka saartay muddo
kordhinta sharci darrada ah ee dowladda federaalka ku cadaadinaysay dowlad
goboleedyada.“Waxaan halkaan u hambalyeynayaa Ahmed Maxamed Islaam (Axmed
Madoobe) oo maanta loo doortay in uu hoggaamiyo Jubbaland shanta sano ee soo
socota," ayuu ku yiri Shariif qoraalkiisa uu soo galiayay bartiisa
facebook.
Wuxuu sidoo kale ka digay
in ciidamada qaranka loo isticmaalo danaha siyaasadeed, isaga oo ku baaqay in
laga fogaado abuurista xasarad cusub iyo qalqal-galinta deegaannada Jubaland.
Axmed Madoobe, oo
noqonaya madaxweynaha Jubbaland markii saddexaad, ayaa ku helay doorashada 55
cod, isagoo ka soo baxay wareegga koowaad ee doorashada.
Shariif Sheekh Axmed ayaa
madaxweynahaan cusub ku dhiirrigeliyay in uu kaalmo weyn ka geysto xallinta
arrimaha siyaasadeed ee dalka ka taagan, si loo xaqiijiyo nabad iyo wadajir.
Doorashadan ayaa qeyb ka
ah isbeddelada siyaasadeed ee ka socda Soomaaliya, iyadoo la filayo in saameyn
ballaaran ay ku yeelato siyaasadda gobolka.
Sidoo kale siyaasiyiin
badan ayaa soo dhaweeyay doorashada axmed Madoobe ee Maanta ka dhacday
kismaanyo.
Maxay kulatahay adiga?
0 Comments