INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Waxaan halkaan ku soo koobeynaa taariikhdiisa oo
kooban, Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Siilaanyo) Allaha u naxariistee wuxuu ku
dhashay magaalada Burco, ee gobolka Togdheer, sannadkii 1938-kii. Aabbihiis
wuxuu ahaa ganacsade dabaqada dhexe, ee aan bourgeoisie-ga ahayn, Qoyskiisa dhexdooda wuxuu Siilaanyo ahaa ninka
keliya ee nasiib u helay formal education. Wuxuu markii hore ka baxay dugsiyada
Cammuud iyo Sheekh Sannadkii 1958-kii ayuu waxbarasho u aaday dalka Ingiriiska,
wuxuuna sannadihii 1958–1960 uu GCSE ka sameeyey Jaamacadda London Kaddib wuxuu
galay Jaamacadda Manchester halkaas oo uu ka bartay cilmiga dhaqaalaha
(economics), isagoo ka soo qaatay BSc. in Economics and MSc in Economics.
Sannadkii 1965-kii ayuu Siilaanyo dib ugu soo noqday
Soomaaliya, waxaana loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta
Qaranka, xilkaas oo uu hayey illaa 1969-kii, oo taliskii militarigu u
magacaabay Xoghayaha Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, kaddib-na Wasiirka
Ganacsiga, markii dambe-na wuxuu noqday Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka.
Sannadkii 1982-kii ayuu ka fakaday taliska militariga, kaddib markii - si
bahdilnimo ah - uu Hoggaamiyihii Taliska Militariga, Maxamed Siyaad Barre, ugu
magacaabay la-taliye wasaaraddii uu isagu soo dhisay ee Qorsheynta. Waxay isku
mar wada fakadeen Cali Khaliif Galayr, oo isna la-taliye looga magacaabay
wasaaraddii uu wasiirka markaas ka ahaa ee Warshadaha. (Waxaan hayaa labadii
dikreeto, ee isku-xigay, ee Maxamed Siyaad Barre uu la-taliyeyaal ugu kala
magacaabay Siilaanyo iyo Galayr, oo aan sannadkii 2014 ka soo helay British
Library, kuna xusay buuggeyga “The Suicidal State in Somalia”).
Laba sano kaddib, 1984-kii, wuxuu Siilaanyo ku biiray
Jabhaddii SNM, isla sannadkaas ayaana loo doortay Guddoomiyaha Jabhadda, iyadoo
uu ku-xigeen u yahay Cali Maxamed Cosoble (Cali Wardhiigley). Mar kale ayaa
Guddoomiyaha Jabhadda SNM loo doortay Siilaanyo sannadkii 1987-kii, waxayse
is-khilaafeen Cali Wardhiigley, oo isaga baxay Jabhadda SNM. (Laba sano kaddib,
sannadkii 1989-kii, ayuu Cali Wardhiigley wax ka aasaasay Jabhaddii USC, isagoo
noqday Guddoomiyaheedii u horreeyey). Kaddib qas iyo qalalaase hoggaamineed
(leadership crisis), oo hareereyey hoggaanka Jabhadda SNM, waxaa 1990-kii
Guddoomiyaha SNM loo doortay Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan Tuur), oo
fakaday isagoo ahaa Safiirka Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta.
4-tii bishii February, sannadkii 1991-kii, wax ka yar
hal usbuuc markii Maxamed Siyaad Barre, si sharaf-darro ah looga ceyriyey
caasimadda Muqdisho (ignominious expulsion), wuxuu Siilaanyo qoray warqad
taariikhi ah (Situational Paper), taas oo uu ku muujisay inuu yahay mufakar
waddani ah, oo daacad u ah dadkiisa iyo dalkiisa, warqaddaas oo uu ku doonayey
inuu ummaddiisa Soomaaliyeed kaga badbaadiyo burbur baaxad weyn, oo laga
baaqsan karay. Wuxuu soo jeediyey fekrad markaas cusbeyd (innovative idea), oo
ahayd in maadaama uu gebi-ahaanba burburay xukunkii dalka (central authority)
ay gobollada waqooyi iyo kuwa koonfureed wada-galaan nidaam dowladeed, oo ku
dhisan regional autonomy, oo midba uu gaarkiisa isku xukumayo, hase yeeshee ay
ka wada dhexeynayso dowlad dhexe (copy-gii warqaddaas, oo ka kooban dhowr iyo
toban bog ayaan hayaa). Illaa iyo sannadkii 1993-kii, wuxuu Siilaanyo ku noolaa
guri uu ku leeyahay galbeedka magaalada London, wuxuuna wareysiyo joogto ah, oo
ku saabsan dagaalladii ka socday waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya uu siin
jiray BBC-da. Kaddib, wuxuu ku noqday magaalada Hargeysa, wuxuuna galay Golaha
Baarlamaanka Somaliland, isagoo ku jiray illaa sannadkii 1997-kii, oo uu noqday
Wasiirka Maaliyadda, ee maamulkii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Sannadkii
1999-kii ayuu Siilaanyo noqday Wasiirka Qorsheynta iyo Wada-Shaqeynta; xilkaan
dambe wuxuu iska casilay 2001-dii.
Muddo sagaal sano ah, wuxuu Siilaanyo mucaarad ku ahaa
maamulkii Cigaal (2001-2002) iyo maamulkii Daahir Rayaale (2002-2010). Muddadii
uu mucaaradka ahaa, ma ahayn Siilaanyihii horey loo yiqiinnay, ee afka gaabnaa;
wuxuu ahaa seef-la-bood aan waxba ula harin talisyadii uu ka soo horjeeday,
isagoo dagaal siyaasadeed la hor-joogay saxaafadda (eeg qoraalka aan bishii
July, sannadkii 2005 ku qoray website-ka Hadhwanaag News). Doorashadii
madaxtinimada Somaliland ee 2003 ayuu Siilaanyo galay, si dirqi ah ayaana looga
guuleystay. Doorashadii ka dambeysay, ee 2010, ayuu kaga adkaaday Riyaale. Laba
sano gudahood, sannadkii 2012, wuxuu Siilaanyo ahaa ninkii billaabay
wada-hadalka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, arrintaas oo ahayd
mid ay ku dhiirran waayeen Cigaal iyo Riyaale, oo diiddanaan jiray inay ka soo
qayb-galaan shirarka dib-u-heshiisiinya Soomaalida. Muddo toddoba sannadood ah
ayuu Siilaanyo madaxweyne ka ahaa Somaliland; shan sano oo uu haystay
legitimate mandate iyo labo sannadood, oo uu xoog ugu darsaday, ayna soo
dhex-galeen Golaha Guurtida, oo dhex-dhexaadiyey isaga iyo mucaaradkii ka soo
horjeeday, oo ay ugu horreeyeen Cabdiraxmaan Cirro iyo Feysal Cali Waraabe, oo
wada watay xisbiga UCID. Sannadkii 2017 ayuu Siilaanyo xilka ka degay, kaddib
markii uu hubiyey in musharrixii uu watay, oo ahaa Muuse Biixi Cabdi, oo ay
iskala tirsanaayeen xisbigiisa Kulmiye, inuu ku guuleystay doorashadii
madaxtinimada.
Axmed Siilaanyo, waxaa lagu xusuusan doonaa inuu ahaa
mid ka mid ah farsamo-yaqaan dowladeedka fara-ku-tiriska ah, ee xirfadda u leh
maamulka iyo maareynta dhaqaalaha qaranka, ee Soomaaliya-dii xorowday 1960-kii
ay soo saaratay gumeysiga kaddib. Wuxuu lahaa aqoon-sare ee dhanka habeynta,
qorsheynta iyo istaatistikiska. Wuxuu ahaa maskaxdii ka dambeysay in badan oo
ka mid ah mashaariicdii horumarinta bulshada (community development schemes),
ee uu hirgeliyey xukunkii militariga, sannadihii 1970-1974, ka hor intii aanan
hoos loo soo dhaadhicin. Wuxuu Siilaanyo ahaa mutacallim ku wanaagsan
fekradeynta faafinta awoodda dowliga iyo u-daadejinteeda dhanka dadweynaha, oo
loo marayo hab gradual ah. Wuxuu lahaa hal-abuur uu ku hindiso barnaamijyo
cusub, oo sare u qaadi kara kobaca wax-soo-saarka Soomaaliya. Balse, nasiib
darro, isaga oo duqoobay ayuu hantiyey guusha madaxtinimada Somaliland
sannadkii 2010, mana uusan haleelin inuu horkaco horumar weyn, oo la taaban
karo. Si kastaba, waxaa Ummadda Soomaaliyeed ka baxay caalim dhaqaaleed,
rugcaddaa dowli ah, siyaasi waayo-badan-u-joog ah iyo maamul-yaqaan ay Ummadda
Soomaaliyeed u aayi lahayd, inuu u soo saaro kaadir xirfad u leh maamulka
dhaqaalaha iyo maareynta dowladnimo, xilli baahidii ugu weynayd maanta loo
qabo.
Allaha u naxariisto, Axmed Maxamed Maxamuud, aamiin
0 Comments