Hargeysa ( bulacle.com) – Maamulka
Somaliland ee gobolada waqooyi soomaaliya ayaa si adag u
jawaabtay hadallo kasoo yeeray dowladda federaalka Soomaaliya.
Hadalladan oo uu jeediyay wasiirka arimaha dibada
soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, kaasi oo uu kaga hadalay in dowladda soomaliya ay danjirayaasha caalamiga ah kula xisaabtami
doonto hadaladii ay ka jeediyeen Magaalada hargeysa Hargeysa ee soomaaliland ,
oo uu sheegay inay ku xad-gudbeen madax-banaanida iyo midnimada dalka Soomaaliya.
Wasiirka warfaafinta Somaliland Cali Mareexaan oo ka jawaabay
warkii wasiirka arimaha dibada soomaaliya hadalkaasi ayaa sheegay in dowlada
Soomaaliya ay ka xuntahay horumarka dimuqraadiyadeed ee Somaliland sanadaha
badan ka hanaqaaday, taasi oo ay ugu dambeysay doorashadii 13-ka bishaan
deegaanada ay haatan maamusho soomaaliland.
Wasiirka ayaa ku tilmaamay hadallada kasoo yeeraya dowladda federaalka ay yihiin kuwa laga
dheehan karo sida ay uga xuntahay horumarka Somaliland, sida uu hadalka u
dhigay Wasiir mariixaan.
“Dowladahan uu maagaya waa kuwa iyaga oo aan meelna
xukumin ku sheegay dowlad ee aqoonsaday in ay Somaliland yimaadan oo ay qiraan
dimuquraadiyada iyo wanaaga ka socdana wax ay isaga uga soo fasax qaadanayaan
maaha,”
Wasiirka warfaafinta soomaaliland Cali mariixaan ayaa
sigaar ah ugu mahad-celiyay wakiilada
caalamka ee bogaadiyay doorashadii ka dhacday Somaliland, isagoo ku bogaadiyay
shacabka sida qaangaadhnimada leh ee u dhacday doorashada.
Maxay kulatahay adiga?
0 Comments