Muqdisho (bulacle.com)– Safiirka Denmark u jooga Soomaaliya, Steen Sonne
Andersen, ayaa ka jawaabay yeerista wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya,
isagoo booqday xarunta wasaaradda iyo kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Axmed
Macallin Fiqi.
Danjire Steen Sonne Andersen, ayaa ka raaligeliyey
hadalkiisii hore ee la xiriiray madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee
Soomaaliya, kaas oo ka dhacay Hargeysa, halkaas oo uu ka mid ahaa
kormeerayaasha caalamiga ah.
Safiirka waxa uu caddeeyey in Denmark ay ixtiraamayso
midnimada Soomaaliya, waxana uu soo jeediyay raalligelin rasmi ah.
"Denmark waxay ixtiraamaysaa midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland," ayuu ku sheegay qoraal uu soo
dhigay bartiisa X.
Sidoo kale, safiirka ayaa xusay in labada dowladood ay
leeyihiin xiriir wanaagsan, ayna ka shaqeeyaan arrimo badan oo ay kamid yihiin
dhismayaasha dowladnimo. "Denmark iyo Soomaaliya waxay ka dhexeeyaan
xiriir wanaagsan, waxaana wadajir uga shaqeeynaa arrimo badan oo ay ka mid
yihiin dhismaha dowladnimada, isbedelka cimillada, nabadda iyo amniga,"
ayuu raaciyay.
Tani waxay dhalisay jawaabo ka duwan, gaar ahaan Somaliland,
taas oo ku tilmaantey hadalka wasiir Fiqi mid aan wax tixgelin ah u hayn
horumarka ay gaareen.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa hore uga digtay
diblomaasiyiinta inaysan ku xadgudbayn madax-banaanida dalka. Siyaasiyiinta
Somaliland waxay eedeeyeen wasiir Fiqi inuu faahfaahin ka bixinin guulahooda,
halka kuwa SSC Khaatumo iyo Muqdisho ay si weyn u bogaadiyeen doorkiisa
firfircoon ee diplomasi.
Arintani waxay muujinaysaa is-dhexgalka adag ee u dhexeeya
dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya.
Maxay kulatahay adiga?
0 Comments