Muqdisho
(Bulacle.com) –
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo banddhigtay kiis xasaasi ah oo loo
haysto safiirka dowladda Danmark u fadhiya Soomaaliya Steen Sonne Andersen,
kaas oo kamid ahaa wafuudii caalamiga ahayd ah ee ka qayb galay kormeerka
doorashadii madaxweynaha ee dhowaan ka dhacday deegaannada maamulka Somaliand.
Wasaaradda
arrimaha dibadda iskaashiga caalamiga ah ee soomaaliya oo warqad u dirtay
Danjiraha ayaa ugu yeertay inuu si deg deg ah ku yimaado yimaado xafiiska,
waxayna ku eedeysay inuu ku xadgudbay midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya.
Wasiir
Axmed Fiqi oo arrintan si Kulul uga hadlay ayaa xaqiijiyay in wasaaradda arimaha
dibadda ay u yeertay safiirka dowladda Danmark ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay
in hadallo ka dhan ah madax banaanida dalka uu ku dhowaaqay inta uu joogay
magaalada Hargeysa ee Maamulka soomaaliland.
Wasiirka
ayaa yari“Runtii waxaa ayaan daro ah in safiirro halkaas hadallo ka jeediyeen
oo qarinayo dalka uu safiirka ka yahay uuna leeyahay Ambassador hebel ayaan
ahay, qaarkoodna ayba ku tilmaameen dal, waxana u yeernay safiirka Danish-ka
markuu arintaasi ku dhawaaqay, wuuna noo balansanyahay”.
Wasiir
Fiqi ayaa sidoo kale sjeegay in ay jiraan safiiro kale oo ku eedeeysan safiiradii
ay ku tageen Maamulka soomaaliland in ay
qariyeen halka ay safiirka ka yihiin, isla markaana dowlada soomaaliya aysan
arintaan raali ka noqoney ayna kula xisaabtami doonto talaabadaan ay qaadeen.
Waxa uu
intaasi ku sii daray wasiir Fiqi in aan marnaba la aqbali Karin in sida dal oo
kale ama dowlad gaar ah aan loola macaamili Karin maamulka Somaliland.
Maxay
kulatahay adiga?
0 Comments