LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Sadax Arin oo ka dhici karta dalka ka dib doorashada jubaland......

 


Muqdisho( Bulacle.com)-
 
25, Nov,2024, waxaa lagu wadaa in la doorto madaxweynaha maamulka  jubalnd sida ay shaaciyeen gudiga doorashooyinka iyo xuduudaha jubaland  Xili ay jirto khilaaf xoogan oo u dhexeeya dowlada soomaaliya  maamulka  jubaland, arintan ayaa  ah mid sii cakireysa xaalada guud ee dalka madaama ay arintan Qatar ku tahay hanaanka ay dooneyso dowlada soomaaliya ee ah qabashada doorasho qof iyo Cod .


Talaabadaan ay qaaday jubaland ayaa lagu macneeyay in ay ku jirto faragalin xoogan oo ka imaaneysa dhanka dowladaha Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta oo gacan saar xoogan la leh maamulada jubaland iyo Puntland, waana mida uu Axmed Madoobe uga baxay madashada wada tashiga qaran ee soomaaliya (NCC).


Quro dhanka siyaasada soomaaliya wax ka qorta  oo aanu la hadalnay ayaa sheegay in talaabadan lagu doonayo in jubland 25, Nov,2024  ku yeelato madaxweyne ay horseedi karto in dowlada soomaaliya ay sameyso Madaxweyne kale oo lagu doorto Caasimada rasmigaa ee jubland Bu’aale , waxaa sidoo kale laga yaabaa in gobolka gedo lagu qabto doorasho kale dowlada soomaaliyana ay aqoonsato madaxweynaha halkaasi lagu doorto.


Kan kale waxaa dhici karta in uu socon waayo aragtida madaxweynaha soomaaliya ee doorasho Qof iyo Cod maadaama uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasiyiinta mucaaradka dowlada oo ka biya diidsan hanaanka dowladu wax ku wado oo laga yaabo in uu gacan ka hadal isu badalo gudaha magaalada muqdisho.


Maxay kulatahay adiga?

Post a Comment

0 Comments