LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Sadad arimood oo sahashay guusha Xisbiga Wadani ee doorashooyinka SOOMAALILAND..

 

Hargeysa(bulacle.com)-Sida ay shaaciyeen gudiga doorashooyin iyo xuduudaha maamulka soomaaliland natiijada doorashadii 13 bishaan ka dhacday deegaanada maamulka soomaaliland  waxaa ku guuleystay  Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo ka sharaxnaa  Xisbiga wadani.

Codadka uu helay xisbiga wadani ayaa kabadan intii horay looga filayay in lagu kala adkaan karo   iyagoona kala helay sadaxda Xisbi ee k u loolamay hogaanka maamulka soomaaliland , codadka lakala helay sida ay shaaciyeen gudiga doorashoooyinka soomaaliland .

1.     Xibiga Wadi ayaa helay 407,908   63.92%

2.     Xisbiga Kulmiye  225,519     34.81 %

3.     Xisbiga u cid      4,699      0.74 %

Sidaasi darted waxaa Madaxtinimada soomaaliland ku guuleystay Xisbiga wadani oo loolan adag kula jiray xisbiga talada haya ee kulmiye.

Xisbiga kulmiye oo ku guul dareystay doorashii dhacaday 13 bishaan ayaa loo aaneynayaa in xisbiga uu lumiyay kalsoonida shacabka soomaaliland, Madaxweyne muuse Biixi Cabdi ayaa ku fashilmay hogaanka maamulka soomaaliland isagoona Soomaaliland u abuuray Cadawtooyo farabadan oo ugu horeyso gudaha soomaaliland.

Madaxweyne muuse Biixi ayaa inta uu joogay talada ku guul dareystay wada jirka soomaalialnd  madaama ay jiraan gobolo ay degmo beesha isaaq ay banaanka ka jogeen hanaanka maamul ee soomaalialnd taas oo sababtay in jamhado farbadan ka dilaacaan gudaha soomaaliland .

Tan ugu weyn ee uu muuse ku fashilmay ayaa ah arinta gobolka sool oo gacanta soomaalialand ka baxaday kadib dagaal dad badani ku hoobteen oo ka dhacay gobolka sool gaar ahaan magaalada laas caanood , Soomaalialnd ayaa halkaas waxaa ka soo gaaray jabkii ugu xooganaa madaama loogu qabsaday Ciidamadii , jannadii , iyo gadiidkii soomaalialnd .

Sidoo kale waxaa ku soo biiray xisbiyada siyaasada soomaaliland xisbiga kaah oo helay codka xisbi nimo waxaana haray xisbiga ucid uu hogaamiyo feysal Cali waraabe.

Ugu danbeyntii Xisbiga Wadni waxaa horyaala arimo ay ugu weyntahay gobolka Sool iyo qadiyada muranka badan dhalisay ee itoobiya iyo Soomaliya.

 

Maxay kulatahay adiga?

 

Post a Comment

0 Comments