Muqdisho (bulacle.com)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Odowaa Yusuf Raage iyo Taliyihii hore Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyadiin.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in labadi sano ee lasoo
dhaafay ciidanku xorreeyay deegaanno badan oo ay khawaarijtu haysteen, isla
markaana ay Xukuumaddu gaarsiisay adeegyadii asaasiga ahaa ee bulshadu u
baahnayd, wuxuunna sheegay in taliyaha cusub laga doonayo dardargelinta
dagaalka dalka lagaga xorreynayo khawaarijta iyo kooxaha nabadda diiddan isagoo
tilmaamay inay muhiim tahay xoojinta iyo tayeynta dhismaha qeybaha kala duwan
ee ciidamada qalabka sida, la wareegidda amniga dalka iyo in ciidanka laga wacyigaliyo
waxyaabaha maanka dooriya.
Mudan Xamsa ayaa xusay in dalka la gaarsiiyay horumar
dhinacyo badan leh oo dowlada Soomaaliyeed ku tallaabsatay intii Xukuumaddan ay
jirtay oo ay kamid yihiin qaadista cunaqabatayntii hubka, taas oo ku timid
dedaal badan oo dowladu bixisay, ku biirista Bulshada Bariga Afrika iyo inaan
xubin ka noqonay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ayna markhaati ka yihiin
shacabka Soomaaliyeed.
Taliyaha Cusub ciidanka xooga dalka ayaa horay jagadaan u soo
qabtay iyadoona magacaabistiisa ay soodhaweeyeen guud ahaan ciidanka xooga
dalka soomaaliyeed meelkasta oo ay dalka ka joogaan.
Maxay kulatahay adiga?
0 Comments