Muqdisho (bulacle.com)-Ra’iisul Wasaaraha
Soomaaliya xamse Cabdi Barre oo ay mar saaxiibo ku ahaayeen siyaasada Maxadweynaha
Maamulka jubalnd ayaa manta sicad ugu
dhawaaqay mowqifkiisa ku aadan hanaanka maamul ee Axmed Madoobe isagoona ra’iisul
wasaare Xamse u soo qaatay tusaale yaal muujineysa sida ay madaxda maamula dalku isu
badaleen balse Axmed Madoobe aysan
midaasi u muuqan isagoo dhameystay maamulka labo teeram ee jubaland sida uu
qabo dastuurka maamulkaas waana qodobka kaliya ee wali wax laga badalin intii
ay jirtay jubaland.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa
sheegay in Axmed Madoobe ay u af duubantahay jubalnd hadii ay ahaan lahayd dhanka siyaasada ,
dhaqaalaha,iyo aminga deegaanka intaba, taas aysan suurta gal ahayn in jubalnd
lagu fiirsado ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre .
Dhanka kale waxa uu
sheegay ra’iisul wasaaraha soomaaliya in Axmed Madoobe uu saxiisay mar hore in
dalku u guuro qof iyo cod isagoo qeyb ka ahaay madashada wadatashiga qaran ee
soomaaliya taas oo horay loogu go’aamiyay in dalka u guuro hanaanka codka
dadweynaha , mana jirto sabab manta mar kale dib loogu laabto aan is doorto.
Hadalka ra’iisal
wasaaraha ayaa u muuqda in laga quustay is fahamka dowlada soomaaliya iyo
maamulka jubalnd.
Ugu danbeyntii xili
jubalnd ay ku dhawaaqday doorasho ka dhacda jubaland ayaa waxaa jira
siyaasiyiin ka soo hor jeeda Axmed Madoobe qaabka uu wax u wado kuna sugan magaalada kismaanyo , waxaase la saadaalinayaa in arintu isku badali
karto gacan ka hadal.
Maxay kulatahay adig?
0 Comments