LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Maxkamadda Gobolka Banaadir Oo Amartay In La Soo Qabto Axmed Madoobe, Madaxweynaha Jubbaland.


Muqdisho (bulacle.com) –
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa goordhaweyd soo saartay waaran lagu soo qabanayo Axmed Madoobe, oo dhowaan markii saddexaad loo doortay madaxweynaha Jubbaland. Amarkan ayaa ka dambeeyay codsi ka yimid xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, iyadoo maxkamaddu ay aqbashay in Madoobe laga horkeeno maxkamad.

 

Warqad kasoo baxday maxkamadda ayaa lagu xusay in Axmed Madoobe loo haysto eedeymo culus oo quseeya "khiyaano qaran" iyo falal lid ku ah midnimada Soomaaliya, iyadoo lagu eedeynayo in uu ku kacay falal ka dhan ah dastuurka iyo nidaamka dalka.

 

Eedeymahaasi waxaa ka mid ah xiriiro lala yeeshay dowlado shisheeye iyo hawlgallo lid ku ah qaranimadda, taasoo ka tarjumeysa khatar jooga oo ku wajahan amniga iyo siyaasadda dalka.

 

Amarkan ayaa sidoo kale imanaya kadib markii golaha wasiirrada Soomaaliya ay xeer ilaaliyaha oggolaadeen in loo gudbiyo dacwad ka dhan ah Madoobe, taasoo muujineysa isbedelada siyaasadeed ee ka socda dalka.

Wali Madaxtooyada jubaland ka aysan hadlin warka ka soo baxay maxakamada gobolka banaadir iyo wali gdugi doorasha maanta ay ansixiyeen golaha shacabka soomaaliyeed.

Warqada hoos ka akhriso:



 

Maxamy kulatahay adaiga rayigaadana nala wadaag?

Post a Comment

0 Comments