Dowlada soomaaliya ayaa soo saaratay bayaan ka kooban 31 qodob oo laaga hadalay waxyaabihii todobaadkaan ka dhacay gudaha dalka soomaaliya , qoraalkan oo ay soo saartay wasaarada warfaafinta soomaaliya ayaa waxaa diirrada lagu saaray wax qabadka todobaadkii tagay sida guulaha lagaaray iyo howlgaladii ugu danbeeyay ee dalka ka dhacay.
Hoos ka Aqriso
1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu
soo laabtey kadib markii uu magaalada Riyad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
kaga soo qeyb galey Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo waddamada Carabta iyo
Islaamka uga arinsanayeen xasaradda bani’aadamnimo ee haysta shacabka reer
Falastiin iyo Lubnaan.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka
jeediyay Shir Madaxeedka Carabta iyo waddamada Islaamka ee ka dhacaya
Sacuudiga, loogana arinsanayay arrimaha Lubnaan iyo Falastiin.
3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo magaalada
Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday Kenya.
4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Cabdimaalik
Cabdullaahi Cabdi u magacaabey inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Xafiiska Amniga
Qaranka.
5- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay magacaabista
Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage.
6- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheikh Aadan
Maxamed Nuur ayaa socdaal shaqo ku tagey dalka Britain.
7- Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo
yeelaneysa magaca cusub oo ah Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.
8- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane
Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbad ka jeediyay Shirweynaha Caalamiga ah ee
Isbeddelka Cimilada, ee COP29, kaas oo ka socda magaalada Baku ee dalka
Azerbaijan.
9- Ra’iisul wasaare ku xigeenka Labaad ee XFS Mudane
Cabdisalaan Cali Dhaay ayaa kormeeray xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka
Qaranka kaas oo lagu soo bandhigay macluumaad ku saabsan diyaarinta Qorshaha
Isbeddelka Qaranka ee 2025 ilaa 2029.
10- Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay
habraaca uu ku shaqeyn doono Guddiga KMG ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka
doorashooyinka.
11- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf Cali
(Xoosh) ayaa labada Gole ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedyada Ururrada iyo
Xisbiyada Siyaasadda, Doorashooyinka iyo Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka
iyo soohdimaha.
12- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane
Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa sheegay in maamulkiisu diyaar u yahay
qabashada doorasho toos ah oo qof iyo cod ah una dhacdo qaab hufan si waafaqsan
heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka.
13- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u
Heshiisiinta Soomaaliya ayaa sheegtay in Guddiga doorashada dadban ee uu
magacaabay Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Jubbaland in uu yahay sharci
darro, kana soo horjeeda xeerarka dalka iyo heshiisyadii Golaha wadatashiga
Qaranka.
14- Kulan wadatashi ah oo dadweynaha looga talo
galinayay dib u eegista Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya oo lagu
qabtay magaalada Laas Caanood ee xarunta maamulka Ku Meel Gaarka ah ee
SSC-Khaatuma.
.
15- Wasiirka Caafimaadka Mudane Dr Cali Xaaji ayaa
xariga ka jaray qayb cusub oo ah casri ah (CT Scan) oo lagu kordhiyey
Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.
16- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka
Cimilada Khadija Mohamed Al-makhzoumi, ayaa khudbad ka jeedisay kulan muhiim ah
oo looga hadlayay dib u qaabeynta nidaamka maaliyadda adduunka iyo doorka
Sanduuqa Maalgalinta Cimiladda (Green Climate Fund)
17- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga
Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa guddoomiyay shir muhiim ah oo looga hadlaayey
istaraatiijiyadda wasaaradda ee Qorshaha Isbeddelka Qaran ee sanadka 2025-2029.
18- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane
Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa u xaqiijiyey in
Itoobiya si rasmi ah looga reebay dalalka ka qayb qaadanaya hawlgalka
taageerada xasilinta Soomaaliya ee Midowga Afrika ee bilaabanaya 2025,.
19- Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha,
Warfaafinta, iyo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada
Midoobay, ayaa ka qeyb galay munaasabadda daahfurka hawlgalka cusub ee Qaramada
Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).
20- Kulanka la xiriira la-tashiga dadweynaha ee dib u
eegista Dastuurka ayaa lagu qabtay deegaanka Ari Caddeeye ee maamulka
SSC-Khaatumo.
21- Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa bogaadisay
doorashooyinka maamulka gobollada woqooyi ee Somaliland.
22- Wasaaradda Waxbarashada ayaa daahfurtay deeq
waxbarasho oo la siinayo 3,000 oo gabdhood.
23- Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji, Xildhibaano
iyo mas’uuliyiin kale oo magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabadda xuska
11-sano guuradii ka soo wareegtay markii dib loo hawlgeliyay isbitaalka Recep
Dayib Erdogan Ex Digfeer.
24- Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Axmed Macallin
Fiqi, ayaa kulan laba-geesood ah kula yeeshay Riyadh Wasiirka Arrimaha Dibadda
ee Suudaan, Mudaner Cali Yuusuf Al Shariif, si ay u adkeeyaan xiriirka iyo
iskaashiga walaaltinimo ee labada dal.
25- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda
Qaranka ee NISA ayaa dilay 23 xubnood oo ka tirsaan Khawaarijta Al Shabab,
hawlgal ka dhacay deegaanka Dharaarweyn ee hoos taga magaalada Galcad ee
gobolka Galgaduud.
26- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto
Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kulan la yeeshay Ururka Haweenka Qaranka
Soomaaliyeed, isagoo kala hadley kaalinta haweenka ee nabadda iyo amniga.
27- Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Dowlad
Goboleedka Koonfuur Galbeed ayaa dilay 6 xubnood ka tirsan argagixisada Al
Shabab, hawlgal ka dhacay tuulada Weel-manaas ee degmada Qansaxdheere.
28- Ugu yaraan 19 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta
ayaa lagu dilay hawlgal ay Ciidanka Nabadsugidda (NISA) ka fuliyeen meel
deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
29- Dowlada Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay
24 dhalinyaro oo laga soo badbaadiyey kooxaha dhibaateeya dadka muhaajiriinta
ah ee ka hawlgala xeebaha DalkaTunisia.
30- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dilay 8
xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab oo isku dayday in ay weerar ka
geysato Masagawaay ee Galmudug.
31- Ciidanka Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa gacanta
kusoo dhigay dhagarqabe ku eedeysan in uu ka qeyb qaatay dil dhowaan labo
muwaadin loogu geystay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.
dhamaad.
0 Comments