Arusha (bulacle.com)– Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa ku dhawaaqay 30-ka Noofambar 2024, in madaxda Soomaaliya, Itoobiya, Kenya, iyo Uganda lagu wado inay shir isugu yimaadaan si loo yareeyo xiisadaha ka taagan Geeska Afrika, Isagoo ka hadlayay shir madaxeedka 24-aad ee caadiga ah ee madaxda dalalka Bariga Afrika (EAC) oo ka socda magaalada Arusha, Ruto ma uusan sheegin waqti cayiman oo la qabanayo shirkan la soo jeediyay.
Haddii shir-madaxeedkani qabsoomo, waxa ay noqonaysaa markii
ugu horreysay ee ay si toos ah u wada hadlaan hoggaamiyeyaasha Itoobiya iyo
Soomaaliya tan iyo markii la saxeexay heshiiskii is-afgaradka ah (MOU) ee
dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland 1-dii Janaayo 2024, Heshiiskani waxa uu
sababay khilaaf diblomaasiyadeed oo weyn, iyadoo madaxda Soomaalida ay ku
adkaysanayaan in aan la yeelan doonin wada hadal toos ah oo ay la xiriiraan
madaxda Itoobiya, haddii aan la burin heshiiska MOU.
Shirka la qorsheeyay ayaa ku soo beegmaya xilli si weyn isha
loogu hayo xasiloonida Geeska Afrika, iyadoo siyaasadda gobolka iyo arrimaha
ammaanka ay hormuud ka yihiin.
Hindisahani waxa uu ka tarjumayaa dadaalka lagu kobcinayo
wada-hadalka iyo xallinta khilaafaadka socda ee xumeeyay xidhiidhka gobolkan,
kaas oo juqraafi ahaan xasaasiga ah.
Shir madaxeedkan ayaa loo arkaa mid lagu xoojinayo iskaashiga
gobolka iyo sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha amniga, oo ay ka mid yihiin
la dagaallanka argagixisada iyo maaraynta colaadaha xuduudaha.
Ku dhawaaqista ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxda
gobolku ay ka wada hadleen arrimo ballaaran oo ku saabsan ganacsiga, horumarka
waara, iyo nabadda shirka EAC.
Ugu danbeyntii Madaxweynaha Kenya ayaa iftiimiyay muhiimadda
shirka oo ah fursad weyn oo lagu xoojinayo xiriirka gobolka, ayna ka mid tahay
dadaallada loogu talagalay in lagu xalin karo khilaafaadka taagan, xasiloonida
in la ilaaliyo, iyo horumarinta iskaashiga ganacsi ee Soomaaliya, Itoobiya,
Kenya, iyo Uganda.
Maxay kulatahay adiga ?
W/Q: Mahamud Cabdulle
0 Comments