LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Labo Caqabadood oo Hortaagan Dhismaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka.


Muqdisho (bulacle.com) –
Waxaa lagu wadaa in dhawaan lagu dhawaaqo guddiga doorashooyinka dalka, kaas oo awood u yeelan doona in doorashooyinka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu qabto. Guddigan ayaa ka kooban 18 xubnood, oo min afar xubnood la kala siinayo afarta beelood ee waaweyn, halka beesha shanaad la siinayo labo xubnood.

 

Si kastaba ha noqotee, dhismaha guddigan ayaa wajihi doona caqabado culus, kuwaas oo ay ugu horeeyaan:

 

1. Diidmada Puntland iyo Jubaland: Labadan dowlad goboleed ayaa diidan in dalka uu ka dhaco doorasho qof iyo cod. Tani waxay adkeyneysaa in ay soo magacaabaan labada xubnood ee guddiga doorashooyinka, maadaama aysan muuqan qaab cad oo ay kaga qeyb qaadan doonaan.

 

2. Kala Qeybsanaanta Siyaasadeed: Go’aanka kama dambeysta ah ee dhismaha guddigan waxaa iska leh baarlamaanka federaalka, kuwaas oo ansixin doona marka la soo magacaabo.

 Si kastaba ha noqotee, waxaa su'aal ka taagan sida baarlamaanka federaalka ay u ansixin doonaan guddigan, iyadoo aan la ogeyn sida dowladda federaalka ay uga jawaabi doonto diidmada Puntland iyo Jubaland.

 

Gudigaan ayaa muhiim u ah hirgelinta hanaanka doorashooyinka Soomaaliya, balse xaaladaha hadda jira waxay muujinayaan in isfaham la'aanta siyaasadeed ay qayb ka tahay caqabadaha hortaagan.

 Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa horey u muujiyey go’aanno ka dhan ah lahjadaha dowladda dhexe, taas oo khatar gelinaysa geeddi-socodka doorashooyinka oo la filaayo in la qabto.

lama oga sabata dowlada arintaan ay iskaga idha tireyso iyadoona wali bulshada lagu qancin sida wax u socdaan , balse xaalada ayaa u eg mid hubanti la'aan ah.

maxay kulatahay adiga?

Post a Comment

0 Comments