Muqdisho (bulacle.com)-Reysal Wasaarihii hore soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si adag uga hadlay tilaabadii ay qaadeen golaha shacabka taas oo lagu ansixiyay dhismaha gudiga doorashooyinka madaxa banana iyo xuduudaha dalka isagoona sheegay in uu madaxweyne Xasan Shiikh uu iska indha tirayo badbaadinta dalka maadaama arintyaan ay horseedi karto in mar kale uu dalku dib u laabto.
Reysal
wasaarihii hore ee soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo bartiisa facebook soo galiyay
qoraal ayaa yiri
‘Waxaan
ummadda Soomaaliyeed iyo madaxda dalka horay uga dignay halista iyo hubanti
la’aanta siyaasadeed ee ku geedaaman jidka qardajeexa ah ee uu dalka ku wado
Madaxweyne Xasan Sheekh, oo laalay dastuurkii qaranka, wiiqayna midnimadii
dalka iyo wadajirkii ummadda.
Waxaa
ayaandarro ah in Madaxweynaha oo dalka ku sii wada dariiqii khatarta badnaa ee
aan uga dignay, uu maanta si sharcidarro ah u meelmariyay Xeerka Dhisidda
Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka, isagoo isticmaalaya Guddoonka
Baarlamaanka. Tallaabadan waxa ay sii kala dhantaalaysaa midnimadii ummadda,
waxayna dalka u horseedaysaa khilaaf hor leh iyo xasillooni la’aan siyaasadeed.
Soomaaliya
horay ugama shaqeyn, mana ka shaqeyn doono guddi iyo shuruuc doorasho oo aan
heshiis lagu ahayn. Khibrad nagu filan ayaanna u leennahay natiijada iyo
cawaaqibka khilaafka iyo damac gurracan oo ku dhisan dano gaar ah.
Haddaba,
waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoonka Baarlamaanka ugu baaqayaa in aaney
iska indhatirin xaqiiqada hortaalla dalka, dadka iyo dowladnimada
Soomaaliyeedna aaney waqti uga lumin guddi iyo shuruuc doorasho oo aan marnaba
laga aqbali doonin, degdegna loo furo madal qaran oo looga heshiiyo
doorashooyinka dalka, taas oo ay qeyb ka yihiin Puntland, Jubbaland, iyo
saamileyda kale ee siyaasadda, si dalka iyo dadka Soomaaliyeed looga
samatabixiyo jahawareerka iyo hubanti la’aanta siyaasadeed’.
Sidoo
kale siyaasiyiin uu ka mid yihiin madaxweynayaashi hore Shiikh Shariif , Maxamed
Farmaajo iyo siyaasiyiin kale ayaa ka
biya diidsan sida ay wax u socdaan.
Maxay
kultahay adiga?
0 Comments