LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Deg Deg: Jubbaland oo ka jawaabtay dagaalkii maanta


Kismaayo (bulacle.com)– Taliska ciidamada booliska Jubbaland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay xaaladda ka dhalatay shaqaaqo maanta ka dhacday gudaha magaalada Kismaayo, halkaas oo ay ku dagaalameen ciidamada ammaanka iyo kooxo ka tirsan mucaaradka.

 

Afhayeenka booliska, Dhamme Shukri Faarax Ducaale, ayaa sheegay in dagaalku sababay dhimashada hal askari oo ka tirsan ilaalada musharixiinta, halka ay dhaawacmeen laba askari oo kale. Warbixintu waxay tilmaamaysaa in is-rasaaseyntu ay ka dhacday markii gaari ay la socdeen ilaaladooda uu rasaas ku furay ciidanka ammaanka, taasoo dhalisay xabadda.

 

Dhamme Shukri Faarax ayaa eedeyn dusha u saaray musharixiinta mucaaradka, isagoo sheegay in ilaalada xubnaha mucaaradka ay ku lug lahaayeen falal amni darro ah oo ka dhacay Kismaayo maalmihii la soo dhaafay.

 

Eedeyntan ayaa ka dambeysay warbixin ka timid dowladda federaalka Soomaaliya, oo uu wasiirka amniga gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), sheegay in Axmed Madoobe uu ka dambeeyay weerarka la qaaday hoteel ay daganaayeen shacabka iyo siyaasiyiinta, kaas oo sababay khatar amni. “Waxaan cambaareynayaa weerarkaas,” ayuu yiri Fartaag, isagoo muujinaya in arrintani ay ka tarjumeyso go'aanka Axmed Madoobe ee ah in uu abuuro khilaaf ku dhisan dagaal sokeeye.

 

Dagaalkani wuxuu ku soo aaday xilli Kismaayo ka socoto doorashooyin muran badan ku dhisan, iyadoo la filayo in madaxweynaha la doorto 25-ka bishan. Muqdisho ayaa haatan ah degaan , inkastoo khilaafka sii xoogeysanayo.

 

Post a Comment

0 Comments