LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Jubbaland oo Joojisay Xiriirkii Dowladda Federaalka Soomaaliya


Kismaayo (bulacle.com) –
Maamulka Jubbaland oo uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu joojiyay xiriirkii shaqo iyo iskaashiga uu la leeyahay dowladda Federaalka Soomaaliya. Go’aankan ayaa ka dambeeyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirada Jubbaland oo maanta ka dhacay Kismaayo, halkaas oo ay ku eedeeyeen dowladda federaalka inay u turjumeen dastuurka dalka si xun.

 

“Jubbaland ayaa leh waajib dastuuri ah oo ah in la ilaaliyo, laguna difaaco midnimada shacabka Jubbaland, taasoo ah mid aan la taaban karin,” ayaa ka mid ah qodobbada kasoo baxay golaha wasiirada.

 

Maamulka Jubbaland ayaa intaa ku daray in talaabooyinka ay qaaday dowladda federaalka, oo uu ku jiro wax ka beddelka dastuurka iyo xeerarka doorashooyinka, ay yihiin kuwo sharci darro ah oo khatar ku ah midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale, siyaasiyiinta Jubbaland ayaa ku tilmaamay go’aannada federaalka inay yihiin afgambi ka dhan ah nidaamka dastuuriga, taasoo keeni karta khatar dambeysan oo ku timaadda dowladnimada iyo wadajirka ummadda.

 

Waxaa sidoo kale lagu dhawaaqay gogol-wadatashi ay Jubbaland u dirtay dhammaan saamileyda siyaasadeed ee dalka, si looga dooddo mustaqbalka dowlad-dhiska iyo ilaalinta midnimada shacabka Soomaaliyeed.

hoos ka akhriso qoraalka jubaland :





Maxayse kulatahay adiga?

Post a Comment

0 Comments