Hargeysa
(bulacle.com) – Cabdiraxmaan
Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ku guuleystay doorashadii madaxweynaha
maamulka Somaliland, isagoo ka adkaaday madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Guushaasi
ayaa timid iyadoo x ku dhisan ololaha doorashada ee uu qaaday Cirro, kaas oo ka
mid ahaa qoddobada waaweyn ee laga hadlayay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee
Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo la saxeexay bishii December ee sanadkii hore.
Heshiiskan ayaa u
ogolaanaya Itoobiya inay ka kireysato xeeb dhererkeedu yahay 20 KM oo ka tirsan
Somaliland si ay u isticmaasho marin badeed iyo ganacsi. Sida ay sheegeen
masuuliyiinta Hargeysa, Itoobiya ayaa sidoo kale ogolaatay inay aqoonsato
Somaliland. Sidoo kale, waxay ku dhawaaqday inay Somaliland qeyb ka siinayso
saami qaybsiga shirkadda diyaaradda Itoobiya, taas oo muujineysa in dawladda
Itoobiya ay qorshaynayso inay qaadato mawqif firfircoon oo ku saabsan aqoonsiga
Somaliland.
Inkastoo
heshiiskan is-afgaradka ah loo bedeli doono heshiis wax ku ool ah muddo bil
gudaheed ah, wali ma jiro wax isbadal la taaban karo oo ka dhacay tan iyo
markii lagu dhawaaqay heshiiska, taas oo sii xumeeyay xiriirka u dhexeeya
Itoobiya iyo Soomaaliya, maadaama Somaliland ay u aragto inay qayb ka tahay
dhulkeeda.
Cabdiraxmaan
Cirro, oo ah madaxweynaha la doortay, xilligii ololaha doorashada wuxuu sheegay
in xisbigiisa uu dib u eegis ku sameyn doono heshiiska. Inkastoo uusan si toos
ah u diidin heshiiskan, hadana wuxuu adeegsadaa erayo diblomaasiyadeed markii
uu ka hadlayo arrintan.
Afhayeenka xisbiga
Waddani, Maxamuud Aadam, oo lagu weydiiyay sida ay u arkaan heshiiska, ayaa
xusay inay ka turneen mawqifkooda kahor doorashada, wuxuuna caddeeyay in
aragtidooda aysan isbedel ku imaan doonin. Wuxuu kaloo sheegay in heshiiska aan
loo soo bandhigin xisbiga intii hawsha lagu guda jiray, taasoo ka dhigaysa mid
aan la falanqeyn karan waqtigan.
Maxamuud ayaa
intaa ku daray inay ogyihiin in aysan jirin wax wada hadal ah oo dhax maray
dowladda Somaliland iyo Itoobiya. Sidoo kale, wuxuu sheegay in xisbiga Waddani
uu diiradda saari doono dadaallada lagu raadinayo aqoonsi caalami ah, wuxuuna
rajeynayaa in madaxweynaha la doortay iyo xukuumaddiisa ay ku dadaali doonaan
sidii riyadaas loo hirgelin lahaa.
Madaxweynaha la
doortay Cabdiraxmaan Cirro ayaa la filayaa inuu xafiiska la wareego bartamaha
bisha December, waxaana la sugayaa in isbadallo laga dareemo siyaasadda dhex
marta Somaliland iyo Itoobiya. Aragtida C/raxmaan Cirro ee ku aadan heshiiska
ayaa muujineysa in arrintani ay sii jiri doonto lana socon doonto si xamaasad
leh, iyadoo la filayo in qof kasta oo mas'uul ka ah isbeddelka cusub uu ka
fiirsado mustaqbalka Somaliland.
0 Comments