LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Guddiga Doorashooyinka oo La Ansixiyay, xilli Loolanka Siyaasadeedna Weli Taagan yahay.


Muqdisho (bulacle.com)–
Maanta, xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa si guul leh u ansixiyay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo sohdimaha, kaasoo ay soo magacaabeen golaha wasiirada.

 

Xildhibaannada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay guddiga, oo ka kooban 18 xubnood, waxaana 169 mudane ogolaaday, halka 6 kalena ay diideen, iyadoo aan xildhibaan aamusin, sida uu sheegay guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

 

Kulanka waxaa ku jiray buuq ay is dhaafsadeen xildhibaanno mucaarad ah iyo kuwa taageersan maamulka Jubbaland, laakiin ugu dambeyntiina guddiga ayaa la dhaariyay si ay u gutaan waajibaadka loo igmaday.

 

Guddigan cusub ayaa mas'uul ka noqon doona maamulka doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka, waxaana la filayaa in ay hirgeliyaan doorashooyin hufan oo qof iyo cod ah.

 

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa soo gudbisay guddigan, iyadoo golaha wasiirada ay si deg-deg ah ku ansixiyeen xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Tallaabadan ayaa imaaneysa xilli xasaasi ah oo ay weli taagan yihiin xiisado la xiriira hannaanka doorashooyinka, waxaana qorshaha Villa Soomaaliya ay si weyn uga biyo diidan yihiin Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka.

Maxay kulatahay adiga?










Post a Comment

0 Comments