Muqdisho (Bulacle.com) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa caawa yeeshay kulan aan caadi ahayn oo lagu ansixiyay Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha, kaasoo ka kooban 18 xubnood, Kulanka ayaa ahaa mid deg-deg ah, waxaana guddigan uu ka kooban yahay xubno ka mid ah dadka aqoonta leh si loogu maamulo doorashooyinka dalka.
Wasaaradda Arrimaha
Gudaha ayaa soo gudbisay liiska xubnaha guddiga, waxaana qorshuhu yahay in
guddigaan lagu soo gudbiyo Baarlamaanka Soomaaliya si ay u ansixiyaan, Guddigan
Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa mas'uul ka noqon
doona maamulidda doorashooyinka heerar kala duwan iyo hirgelinta doorashooyin
qof iyo cod ah oo hufan, taasoo muhiimad weyn leedahay.
Ra’iisul Wasaaraha
Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa
kulanka ka sheegay in dowladda DanQaran ay ka go'an tahay in shacabka
Soomaaliyeed dib loogu soo celiyo xaqooda doorashada. “Waxaan u shaqeyn doonnaa
si aan u xaqiijino in doorashooyin hufan ay dhacaan iyo in shacabka ay helaan
fursad ay ku doortaan hoggaamiyaashooda,” ayuu raaciyay.
Liiska xubnaha Guddiga
Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxaa ka mid ah:
1. Cabdikariim Axmed
Xassan
2. Saadiq Abshir Garaad
3. Avv. Maxamed
Cabdiraxmaan Aadan
4. Yusuf Cabdiqaadir
Maxamed-Baafo
5. Cumar Abuukar Cumar
6. Farxiyo Maxamed Yusuf
7. Dr. Cumar Jamac
Maxamed
8. Faarax Cabdi Xasan
9. Sahro Diiriye Muuse
10. Cabdullahi Salaad
Yaroow
11. Maxamed Amiin Xasan
Cabdullahi
12. Cabdi Cadow Maxamed
13. Cabdishakuur Abiib
Haayir
14. Khaalid Ibrahim
Ismaaciil
15. Aamina Sh. Cusmaan
Maxamed
16. Naasir Maxamed Shire
17. Cabdiraxiim
Cabdillahi Shaafici
18. Maxamed Cumar
Ismaciil.
Qoraalka ayaa muujinaya
sida dowladda ay uga go'antahay in la xoojiyo nidaamka dimuqraadiyadda gudaha
Soomaaliya, iyadoo rajada shacabka ay tahay in guddigan cusub uu horumarin
doono hufnaanta iyo caddaalada doorashooyinka.
Waa maxay aragtidaada ku
saabsan magacaabista guddigan? Fikradahaaga nala wadaag!
Waxaa Qoray: Maxamed
Abdullahai Maxamed
0 Comments