LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Gedo dowladda Soomaaliya oo qaaday tilaabooyin Malateri oo ka dhan ah Jubaland..

 


Ceelwaaq-(Bulacle.com)-Wararka ka imaanaya Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dowladda federaalka soomaaliya ay gobolkaasi ka dajisay Ciidamo Malatari ah kana tirsan qeybta 43Aad ciidamada xooga dalka soomaaliyeed.

Ciidamadaan ayaa dur baba dhaq dhaqaaqyo ciidan ka bilaabay degmada ceelwaaq ee gobolka Gedo ha;lkaas oo ay fariisimo cusub oo malateri aya ka sameysteen , talabadaan ay qaaday dowlada soomaaliya ayaa u muuqda kuwa ka dhan ah maamulka jubaland oo haatan khilaaf xoogan kala dhexeeyo dowlada soomaaliya.

Saraakiisha Ciidamada xooga dalka eek u sugan Degmada ceelwaaq ayaa sheegay in ay howlgalka iyo afriisimaha cusub ee ciidamada xooga dalka uu yahay kuwo looga goleyahay in Alshaab looga saaro Koonfurta dalka,   balse Dhaq dhaqaaqyadaan ciidan ayaa wax talaa laga galin Maamulka Jubaland madaa ay Gedo ka tirsan Jubaland taasna waxa ay shaki xoogan galisay maamulka jubaland .

Talaabooyinka cusub oo ay qaaday dowlada soomaaliya ayaa muujineysa in uu fashilmay dhex dhexaadintii ay garwadeenkaka ahayd Dowlada kenya ee u dhexeeyay Maamulka jubaland iyo Dowladda dhexe waxa ayna muujineysaa in uu kla sii darayo khilaafka dowladda iyo Jubaland .

Dowladii uu hogaaminayay Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa hoaray u qaaday talaabadaan oo kale oo ka dhan ah jubaland blse ma suurtagalin waxa ayna ku soo dhamaatay fashil madaama uu Axmed Madoobe ku adkaaday arimaha gobolada jubaland.

Dadka ku lugta leh arimaha siyaasada jubalnd ayaa inoo sheegay in talaabada dowlada manta qaaday ay ka dhigantahay in ay ka sii dareyso khilaafka dowladda iyo kan jubaland iyagoona sheegay in aysan suurta gal ahayn in xiligaan la ii horiyo khilaafyo xili uu dalku wajahayo fargalin dibadda ah iyo ladagaalanka Alshabaa.

Maxay kulatahay adiga?

 

 

Post a Comment

0 Comments