Hargeysa (bulacle.com) – Weriye caan ah oo ka tirsan BBC Somali, Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad, ayaa la xaqiijiyay inuu caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa ee Somaliland. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay geerida Weriye Cabdirisaaq, waxaana wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ay ka soo saartay bayaan tacsiyaysan.
Wasiirka
Warfaafinta iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda, oo ka soo shaqeeyay BBC, ayaa
tacsiyo u diray qoyskii uu ka geeriyooday weriyaha. C/risaaq Xaaji Maxamed
Siraad wuxuu ahaa saxafi khibrad leh, waana uu ka soo shaqeeyay Idaacadaha
Radio Muqdisho iyo Radio Hargeysa, isagoo muddo dheer ka tirsan BBC, iyada oo
ay dad badan ka faaiideysteen warbixinadiisa.
Muddo
kadib oo uu ka fariistay shaqada saxaafadda, Cabdirisaaq wuxuu ku noolaaday
Hargeysa, halkaasoo uu ku geeriyooday. Waxaa la filayaa in meydkiisa lagu aaso
magaalada Hargeysa.
0 Comments