Wasaaradda
deegaanka iyo isbadelka Cimilada dowlada
fedraalka soomaaliya oo ay hogaamiso wasiirad khadiijo Maxamed Almakhzoumi ,
ayaa heshiis wada saxiixdeen Hay’ada
Global Center For C;imate Mobility , heshiiskaan ayaa ah talaabo horay loogu
qaaday dhinaca hormarka waara .
Iskaashiga
cusub ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada dowlada soomaaliya iyo
ahay’ada Global Center for Climate Mobility , waxa uu si gaar ah diirrada u
saarayaa awoodsiinta bulshada u nugul
deegaanka iyadoo la hubinaayo badbaadada iyo wax ku oolinimada istaraajiyadda
la qabsiga isbedelka cimilada ee dalkeena soomaaliya .
Sheshiiskan ayaa u jeedadiisu waxay tahay in la maal
galiyo mashaariicyo waxbdan ugu yaala bulshadeena soomaaliyeeed iyadoona la xoojinaayo kalsoonida bulsheena .
Wasiiradda
deegaanka ayaa sigaar ah uga mahadcelisay taageerada iyo iskaashiga beesha caalamka sida
wanagsan ee markasta ay u garabtaaganyhiin bulshada soomaaliya iyo sidii ay
kaga gudbi alahaayeen caqabada deegaanka taas oo dhibaato xoogan ay kala
kulmayaan bulshada soomaaliyeed.
Sidoo
kale wasiirad khadiijo ayaa inta ay joogatay wasaaradda waxa ay isku howshay
sidii loo xoojin alahaa dadaalada lagu hormarinayaa arimaha deegaanka oo ay ugu
horeyso la dagaalanka waxyaabaha koriya dhibaatada deegaanka.
Dhawaan
ayey ahayda markii dowlada soomaaliya ay mamnuucaday keenista bacda qafiifka ah
taas oo intabadan laga adeegsan jiray gudaha soomaaliya balse si wada jir ah
looga joojioyay guud ahaan dalka.
0 Comments