LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Denmark oo raali-gelin buuxda ka bixisay hadalkii ka caraysiiyey dowladdda Soomaaliya.

 


Muqdisho (bulacle.com) –
 Dowladda Denmark ayaa raali gelin deg deg ah ka bixisay hadalkii dhaliyay gafka ahaay oo ay ka carootay dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo safiirka Denmark ee Soomaaliya uu ka sheegay magaalada Hargeysa xali ay ka qeybgalayeen kor joogteynta doorashooyinka Maamulka Soomaaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo horay warbaahinta ula ahdalay ayaa  safiirka Denmark oo ka mid ahaa safiirro Hargeysa u tegay in ay kor joogteeyaan doorashada somaaliland ayaa  safiirka Denmark waxa uu jeediyay hadallo xad-gud ku ah wadajirka iyo qaranimada Soomaaliya isagoona sheegay in uu yahay safiir  uusana sheegin halka uu ka hayay taas badalkeedana uu sheegay in soomaaliya ay tahay dowlada madaxbanaan.


Xogo hoose oo laga helay  wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya  ayaa sheegaya in wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Denmark ay deg deg uga soo jawaabtay hadalkii wasaaradda arimaha dibadda soomaaliya, iyadoona Soomaaliya ka raali gelisay hadaladii xanafta lahaa ee Hargeysa uu ka jeediyey safiirkooda Muqdisho, waxayna cadeysay in isla xisaabtan diblomaasiyadeed lagu sameynayo safiirka.


Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo u yeertay safiirka Denmark ee Muqdisho ayaa balamisay maalmaha soo socda, waxaana su’aalo laga weydiin doonaa   hadalkii uu ka jeediyay magaalada Hargeysa.

Post a Comment

0 Comments