Kismaayo (bulacle.com)–
Doorashada guddoonka cusub ee golaha wakiilada Jubbaland ayaa maanta si rasmi
ah ugu soo gaba-gabowday magaalada Kismaayo, halkaas oo Sheekh Cabdi Maxamed
Cabdiraxmaan loo doortay xilka guddoomiyaha markii saddexaad.
Sheekh Cabdi ayaa helay 65 cod, iyadoo Ismaaciil Cabdi
Keerow oo ahaa musharaxa kaliya ee la tartamay uu helay 7 cod, halka 3 codna ay
xanibmeen, sida ay shaacisay guddiga doorashada.
Xildhibaannada codeeyay waxaa ka kooban 75 xubnood oo
dhawaan laga soo doortay beelaha Jubbaland, iyada oo odayaasha dhaqanka ay door
muhiim ah ka ciyaareen.
Doorashada guddoonka ayaa xigi doonta doorashada
madaxweynaha oo la filayo in la qabto 25-ka bishan Nofembar, waxaana lagu wadaa
in mar kale madaxweyne Axmed Madoobe la doorto.
Si kastaba ha ahaatee, doorashada haatan ka socota
Jubbaland ayaa wajahaysa caqabado ka yimid dowladda dhexe, taas oo horey u
sheegey inaysan aqbali doonin natiijada kasoo baxda, iyadoo ku eedeysay Axmed
Madoobe inuu damacsan yahay inuu mar kale xukunka isku hayo.
Maxamay kulatahay adiga?
0 Comments