Mogdisho (bulacle.com)-Madaxweynaha haatan talada haya Xasan Shiikh Maxamuud
ayaa ku adkeysanaya in dalka soomaaliya uu aado in bulshada ay soo doortaan
cidda ay iyagu doonayaan , balse arintaan ayaa waxaa ka biyadiisan siyaasiyiinta
mucaaradka iyo maamulada Puntland iyo Jubaland.
Siyaasiyiinta miisaanka culus ee ka soo hor jeeda
talaabada uu xasan sheikh ku doonayo in uu dalka uga qabto doorasho Qof iyo Cod
waxaa ka mid ah Madaxweynayaashii hore , Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,
Maxadweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed ,ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali
Kheyre , Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Madaxweynayaasha
Maamulada Jubalnd Iyo Puntland iyo siyaasiyiin kale oo farabadan.
Maxaweyne Xasan sheikh ayaa u muuqda mid galay gabood
falyo siyaasadeed madaama uu ku adkeysatay kalmadii ahayd loo joojin mayo taas oo horay ay saaxiibo ugu haayeen
Mucaaradka haatan ka soo horjeeda sida ay wax u socdaan , iyagoona madaxweynaha
u jeedinaya maalinkasta xasuusinta doodihii horay looga soo hor jeeday
madaxweyna Farmaajo.
Dadka ku dhaqan magaalada muqdisho oo ah Meesha ay ku
noolyihiin dadka ugu badan gudaha soomaaliya , waxaa lagu abuuray muujado ka
dhan ah madaxweynaha soomaliya ee ah boobka hantada umadda Soomaaliyeed iyo
barakicinta shacabka maatada ah iyadoona maalin iyo leylba ay siyaasiyiinta mucaaradka
u sheegaan bulshada in arintaan laga dhiidhiyo
waana midda ugu weyn ee sumcad dilka ku ah Xasan sheikh Maxamuud iyo dowladiisa.
Arimaha wada hadalka iyo isku soo jiidka saamileyda
siyaasada dalka oo aanu marnaba laga tixgalin hormarinta siyaasada iyo
dimuquraadiyada dalka taas oo laga sheegayo badalkeeda in la caburinayo
siyaasiyiinta .
Dowlada xasan sheikh oo martay wadadii horay ay ugu
jabtay dowladii Farmaajo oo ahayd caburinta siyaasiyiinta iyo maamulada
dalka joojinta safarada siyaasiyiinta
iyo madaxda maamulada qaar.
Dadka falaqeeya siyaasada soomaaliya ayaa sheegay in
xasan sheikh uu ku guul dareysan karo doorasho kasta oo dhacda madaama uu
haatan dalku galay xaalad hubanti la’aaneed .
maxay kulatahay?
0 Comments