LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

BEESHA CAYR oo ka careysan hadalkii wasiir Fiqi iyo Shir qoolka Xildhibaan Cabdishakuur Warsame..

 


Wasiirka Wasaaradda Arimaha dibada soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa dhawaan sheegay in Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi shakuur Warsame uu yahay in ay soo dirsadeed wadamo shisheeye isla markaana uu ka qaato sandhareero aad u liidata, ayna dowlada soomaaliya ka qaadeyso  talaabo sharci ah.

Tan iyo markii uu warkan sheegay wasiir fiqi ayaa waxaa soo baxayay warar kala duwan kuna aadan sida uu Fiqi warkaan ugu dhiiraday madaama uu yahay Cabdiraxamaan Cabdishakuur Warsame Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka soomaaliyeed, walina dowlada soomaaliya kama aysan hadlin warka ka soo yeeray Wasiir Fiqi .

Odayaasha iyo siyaasiyiinta beesha Cayr ayaa arintan ka carooday isla markaana waxaa socda dadaalo looga jawaabayo hadalka ka soo yeeray Wasiir Fiqi, waxaana warka qaar sheegayaan in beesha sacad laga dalbaday in ka jawaabaan arintan uu ku kacay Fiqi, madaama dowladda soomaaliya aysan wali ka hadlin arinkan.

Dowladii hore ee maxamed farmaajo ayaa horay u weerartay Xildhibaan cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyadoona halkaas ay ku nafwaayeen Ciidamadii ilaalida u ahaa isaga iyo siyaasiyiin kalana ay halkaas ku sigteen.

Maxay kula tahay adiga?

 

Post a Comment

0 Comments