Muqdisho (bulacle.com)– Saaxiibada Caalamka ayaa si kulul uga
hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo
Jubbaland, iyagoo ka codsanaya dhinacyada inay hoos u dhigaan xiisadaha
siyasadeed ee socda. War-saxaafadeedka cusub ee BEesha Caalamka ayaa ku
boorrinaya Madaxweynaha Jubbaland inuu dib ugu laabto shirkii Golaha
Wadatashiga Qaranka si xal waara loo helo ka hor inta aan la ansixin shuruucda
doorashooyinka.
Sidoo kale, qoraalkaan waxaa si gaar ah loogu yeeray
siyaasiyiinta mucaaradka ah inay ka qeyb qaataan miiska wadahadalka, iyagoo ka
fogaada kicinta xiisadaha mustaqbalka. Halkan wuxuu ka furmayaa hannaanka
dowlad-dhisidda, oo ah ajandaha muhiimka ah ee ay taageeraan Beesha Caalamka.
Beesha Caalamka waxay sidoo kale ka digtay in aan la
dhamaystirin geedi-socodka doorashada ka hor inta aan la samayn heshiisyo
siyaasadeed, iyagoo ku boorrinaya dhammaan dhinacyada inay ka qeyb qaataan
wada-hadal furan oo wax ku ool ah.
Iskaashiga Beesha Caalamka, oo kala ah Belgium, UK, Saudi
Arabia, Mareykanka iyo qaar kaloo badan, ayaa dib u xoojinaya rajada ah in
doorashooyinka Soomaaliya ay noqdaan kuwo cadaalad ah, ammaan ah, oo ay qeyb ka
yihiin dhammaan saamilayda siyaasadeed.
0 Comments