LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Axmed Madoobe: Ciidanka DF u qabtay 15 maalmood in ay kaga baxaan jubaland.


Kismaayo (Bulacle.com) –
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Jimcihii khudbad xasaasi ah ka jeediyey Masjidka Madaxtooyada Kismaayo, isagoo si cad u muujiyey khilaafka uu la leeyahay dowladda federaalka, gaar ahaan qorshaha Ciidamada lagu geeyey Raaskambooni.

 

Madoobe wuxuu sheegay in Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ay haystaan fursad yar oo ay ciidamadaas dib ugu celi karaan, wuxuuna u qabtay waqti kooban oo ah 15 maalmood. Isagoo hadalkiisa sii wato, wuxuu ku goodiyey in haddii ay ciidamadu sii joogaan Jubbaland, ay masuuliyad ka saaran tahay Madaxweyne Xasan Sheekh.

 

Waxaa uu sheegay in uusan baqdin qabin, isagoo tixraacay inaysan dhici doonin inuu qaato lacag (guuno iyo laaluush) oo ka yimaada musharrixiin Bur burinaya Jubbaland. Iyo in laga maarmaan ay tahay in arrimaha Jubbaland lagu xalliyo wadahadal iyo heshiis, mudan inuu ka fikiro nabadgelyada dadka deegaanka.

 

Intaa waxaa dheer, Madoobe wuxuu sidoo kale ka hadlay arrinta Senator Ilyaas Gaboose, isagoo sheegay in aan loo baahnayn in arrintaas waqtiga badan lagu qaato.

 

Dhawaan waxaa la filayaa in ay meelo kale oo kale ka socdaan hadallo madaxda kala duwan Junbaland, iyadoo laga cabsi qabo dagaal dhexmara dowlad goboleedka Jubbaland iyo dowladda dhexe.

Maxay klatahay adiga ?

W/Q. Mohamud Abdulle 

Post a Comment

0 Comments