Muqdisho (bulacle.com) – Taliska howlgalka ATMIS ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay si cad uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka, gaar ahaan xiisadda u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.
Warsaxaafadeed ka soo baxay ATMIS ayaa muujinaya
walaac weyn oo ku saabsan khilaafka sii kordhaya, iyagoo talisku ku baaqay in
xaaladda la qaboojiyo si loo helo xal waara oo u adeegaya labada dhinac. Sidoo
kale, ATMIS waxay caddeysay in ay dhex-dhexaad ka tahay siyaasadda Soomaaliya,
iyadoo xoogga saareysa amniga dalka.
Taliska Ciidamada Midowga Afrika ayaa sidoo kale ka
hadlay arrimaha doorashooyinka, wuxuuna ku booriyay in doorashooyinka dalka ay
ku dhacaan jawi nabad ah.
Warka ayaa lagu sheegay in ATMIS ay ka walaacsan tahay
warar qaar ka mid ah warbaahinta ay baahiyeen, oo sheegaya in qaar ka mid ah
ciidanka booliska ee ku sugan Kismaayo ay ku lug leeyihiin doorashado ay
dowladda diidan tahay.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Jubbaland ay
shalay soo saartay qoraal ka digaya in ATMIS iyo QM loo isticmaalo arrimo
siyaasadeed, taas oo muujinaysa isku dhacyada sii kordhaya ee ka dhex jira
siyaasadda Soomaaliya.
Hoos ka akhriso Qoraalka ATMIS Somaaliaya.
0 Comments