Garowe (bulacle.com)- Puntland waxay u muuqataa inay ka soo horjeedo siyaasadda Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyadoo cuskaneysa qodobadaan soo socda.
1. Madaxbanaanida siyaasada gudaha Puntland: Puntland waxay
leedahay hogaamiyayaal iyo siyaasad u gaar ah oo ay u aragto inay muhiim tahay
in la ilaaliyo madaxbanaannideeda iyo hufnaanta maamulkeeda, Waxay cabsi ka
qabtaa in siyaasadaha federaalka ah ee dowlada federaalka soomaaliya hogaamiyo ay halis galin karaan nidaamka
maamul ee ka jira Puntland.
2. Heshiisyada
Siyaasadeed:Puntland iyo dowladda dhexe ayaa marar badan ku kalsoonaa
heshiisyada la xiriira maamul goboleedyada iyo awood qaybsiga dalka , Puntland
waxay dareemaysaa in qaar ka mid ah siyaasadaha dowlada federaalka soomaaliya ay faragelin ku sameyn karaan arrimaha gudaha
ee Puntland.
3. Amniga: Puntland waxay
leedahay sharciyo iyo qorshooyin amni oo ay ku dabaqdo maareynta aminga
deegaanada Puntland , iyadoo ku soo hanatay arimaha amniga iyo la dagaalanka argigixisada, Waxay u aragtaa in siyaasadda dowlada
federaalka soomaaliya ay noqon karto mid
aan ku filnayn, maadaama Puntland ay ka mid tahay goobaha argigixisadu ku badanyihiin.
4. Qeysiga Kheyraadka: Puntland waxay ka walaacsan tahay
sida loo maamulo kheyraadka dabiiciga ah, sida shidaalka, iyo in dowladda dhexe
ay ka hesho dheef aan loo qaybin, Tani waxay keeni kartaa khilaaf iyo iska
horimaad dowlada iyo maamulka Puntland.
5. Iskaashiga Caalamiga:
Puntland waxay u baahan tahay in ay yeelato xiriir wanaagsan oo caalami ah,
waxaana laga yaabaa in siyaasadaha dowlada federaalka soomaaliya ay saameeyaan aragtida caalamiga ah ee
Puntland.
Tan iyo markii la doortay
madaxweyne Xasan shiikh Maxamuud waxaa soo jiitamayay khilaafka dowlada dhexe
soomaaliya iyo maamulka Puntland mana muuqto wada lagu wada hadali karo iyadioo
taasi jirto ayaa hadana waxaa Meesha ka baxay Maamulkii jubaland balse arintaan
ayaa lagu macneeyay iney ku saleysantahay in labada maamul ay isku raaceen heeb
ahaan iyo siyaasad.
Maxay kulatahay adiga?
0 Comments